• Maxaaa Cusub Maanta

    Naga filo maalin weliba

    Wixii Cusub Kala Soco www.Degmooyinka.blogspot.com Waad ku Mahadsantahay In Aad Nasoo Booqato

    Mohamud Hussein

    DEGMOOYINKA

    Monday, May 8, 2017

    Qaxooti Suuriyaan ah oo Kanada ku nool oo wiilkooda u bixiyay Justin Trudeau

    Markii Maxamed iyo afadiisa Afraa Bilan ay gaareen dalka Kanada bishii febraayo ee sanadkii tagay, waxay isu diyaarinayeen in ay billaabaan nolol cusub, iyo in ay ku nooladaan waddan cusub.
    Asal ahaan waxay ka soo jeedeen magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya. Iyaga iyo labodooda carruur ayaa waxay gaareen magaalada Montreal iyadoo uu jiray qabow aad u daran.
    Ra'iisal wasaare Justin Trudeau ma aanu joogin gegida diyaaradaha si uu u qaabilo, si la mid ah sidii uu horay ugu qaabilay qaxootigii reer Suuriya ee iyaga ka horeeyey.
    Balse labadani waalid ayaa waxay dareemeen in ay u baahanyihiin in ay si uuun ugu mahadceliyaan Ra'iisal wasaaraha, waxayna ugu magac dareen wiil ugu dhashay dalka Kanada.
    Wiilka oo loo bixiyey Justin Trudeau ayay Adab Bilan Khamiistii hore ku dhashay Calgary
    Intii ay ku noolaayeen magaalada Dimishiq, Maxamed oo ay da'diisu tahay 29 sano wuxuu ahaa timo jare. Mar waxaa bartimaamaydsaday ciidammada dowladda kuwaas oo xabsiga dhigay
    Ka dib markii la sii daayey reerkiisu waxay ogaadeen in haddana mar kale ay ciidamada dowladdu raadinayaan Maxamed, waxaana suurtagal ahayd in uu wajihi lahaa xerig kale, arrintaas oo dad badan oo isaga ka horeeyey aanay ka badbaadin ama dib uga soo laaban.
    Fursadii ay uga soo bixi lahayeen Suuriya waxay timid ka dib markii Ra'iisal wasaare Justin oo markaa un la doortay uu shaaciyey barnaamij dib u dejin ay Kanada ugu fidinayso qaxootiga reer Suuriya.
    Markaas iyada ah shan sano ayuu socday dagaalka Suuriya, Maxamed iyo reerkiisana fursaddii ayey ka faa'ideysteen.
    Carfaa waxay sheegtay in ay xoogaa ku jahwareertay nolosha cusub ee Kanada oo ay ku adkaatay in bilawgii ay la qabsato,
    Balse haatan si wanaagsan ayey ugu hadashaa luuqadda Ingiriiska, Maxamed-na wuxuu ka shaqeeyaa dukaan lagu iibiyo qudaarta.
    Waxay rajeynayaan in inan koodan ay ugu magac-dareen ra'iisal wasaaraha Kanada uu maalin un la kulmi doono ninka ay isku magaca yihiin ee ka caansan.

    No comments:

    Qurux

    ">

    Dabiici

    Safaro