22; Musharrax ayaa ku loollamaya doorasho ay adag tahay in la saadaaliyo musharraxa ku soo baxaya,waxaana la filayaa in saaka ay billaabato doorashada madaxtinimada Soomaaliya.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in hoolka doorashada loogu talagalay in ay galaan 750 Ergo,waxaana ay soo saareen amarro ay ka mid yihiin in mas’uuliyiinta aysan hub,Taleefanna iyo agab kale la geli karin goobta doorashada.
Amniga hoolka iyo hareeraheeda,waxaa sugaya Ciidan Soomaali ah oo loo diyaariyay,gudaha waxaa ku jira Ciidan si gaar ah loogu tababaray kala habeynta dadka,waxaana ay gaarayaan 48 Qof.
Musharraxa wareegga 1aad hela 219 cod ayaan u baahneyn wareeg labaad,waxaana uu xaqiijin doonaan in uu isaga guuleystay,waxaase aad u adag in hal musharrax uu codadkaas gaaro iyada oo dadka codeynaya ay yihiin 329 Xildhibaan oo golaha shacabka iyo aqalka sare ka socda.
No comments:
Post a Comment