• Maxaaa Cusub Maanta

    Naga filo maalin weliba

    Wixii Cusub Kala Soco www.Degmooyinka.blogspot.com Waad ku Mahadsantahay In Aad Nasoo Booqato

    Mohamud Hussein

    DEGMOOYINKA

    Saturday, February 4, 2017

    Xaakim is hortaagay amarkii Trump uu ku soo rogay 7 dal oo Muslim ah


    Xaakim ka tirsan federaalka Maraykanka ayaa si ku-meel-gaar ah u hor istaagay xannibaaddii uu Madaxweyne Trump ku soo rogay dhoofayaasha 7 dal oo Muslim ah.
    Xaakimka, James Robart, oo jooga Seattle ayaa gaashaanka ku dhiftay is hortaagid ka timid qareenno u doodayey xukuumadda, isagoo sheegay in xayiraadaha si degdeg ah loo qaadi karo, ayadoo dhanka kalena kiiska xagga sharciga la dhagaysanayo.
    Waaxda caddaaladda ayaa sheegtay inay racfaan degdeg ah ka qaadan doonto xukunka, kaasoo caqabad weyn ku noqday maamulka Trump.
    Maamulayaasha Maraykanka ayaa sheegaya in tobanaan kun oo Visa dib loola laabtay tan iyo markii madaxweyne Trump uu saxiixay amar madaxweyne oo xaddidaya socdaalka muddo todobaad laga joogo.

    No comments:

    Qurux

    ">

    Dabiici

    Safaro