• Maxaaa Cusub Maanta

    Naga filo maalin weliba

    Wixii Cusub Kala Soco www.Degmooyinka.blogspot.com Waad ku Mahadsantahay In Aad Nasoo Booqato

    Mohamud Hussein

    DEGMOOYINKA

    Saturday, February 4, 2017

    QM oo cambaaraysay tacaddiyada lagu hayo Muslimiinta Rohingya ee Burma


    Xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada midoobay ayaa sheegay in ciidamada dalka Myanmar oo sidoo kale loo yaqaanno Burma ay dambiyo ka dhan ah aadanaha kula kaceen qowmiyadda Muslimiinta Rohingya.
    Xoggaga amaanka ayaa lagu eedeeyay inay dilal kula keceen dad waaweyn iyo caruur, sidoo kalena u geysteen kufsi wadareedyo qorsheysan haweenka Muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay.
    Qoraal uu xafiiskaasi daabacay ayaa lagu qorey in dhibaatooyinka dadkan loo geystay ay u dhigmaan dambiyo ka dhan ah aadanaha iyo isir-sifeyn.
    Baarayaal ka tirsan Qarmada Midoobay ayaa bishii Oktoobar wareysatay dad ka badan 200 oo qof oo ka qaxay dalka Burma una qaxay dalka ay deriska yihiin ee Bangaladhesh.
    Kala bar ka mid ah qoysaskii ay Qaramada Midoobay wareysatay waxay sheegeen in in ugu yaraan xubin ka mid ah qoyskooda ay xoogagga ammaanka dileen.
    Dowladda Myanmar oo hore u beenisay denbiyadan ayaa iminka sheegtay in ay si weyn uga baaraan degeyso eedeynta Qaramada Midoobay.
    Afhayeen u hadley dowladunu waxa uu sheegey in dowladdu ay tallaabo adag qaadi doonto haddii ay hesho caddeymo adag.
    Qiyaastii hal milyan oo Rohingya ayaa ku nool Myanmar, waxayna la kulmayeen takoor tobannaan sano.

    No comments:

    Qurux

    ">

    Dabiici

    Safaro