Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadda lagu caleemo saarayaa magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.
Waxaa munaasabadda ka qeybgalaya madax ka socota dalalka IGAD iyo wakiillo ka kala socda dalal badan iyo hay'ado caalami ah.
Waxaa caasimadda Soomaaliya gaaray illaa iyo hadda seddax hogaamiye oo ka kala socota Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.
Uhuru Kenya, Hailemariam Desalegn, iyo Ismaaciil Cumar Gelle ayaa Muqdisho u tagay si ay uga qeybgalaan caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, maxamed Cabdullahi farmaajo.
Mr Keating, wakiilka UN ee Soomaaliya ayaa sheegay inay si wada jir ah ula shaqeynayaan dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Wuxuu ka codsaday inuu dhiso dowladda wax ka qaban karto dhibaatooyiinka dalka Soomaaliya haysto si dalka uu cagahiisa isugu taago.
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa madaxweyne farmaajo weydiistay inuu qaado masuuliyad wanaagsan oo uu ku wajahayo dhibaatooyiinka taagan.
Wuxuu u mahadceliyay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu uu ku tilmaamay inuu yahay hogaamiye wax badan ku guuleystay.
"Waxaan dadaal geliyay inaan gacan ka geysano amniga. Markaad ra'iisul wasaaraha ahayd waxaad naga caawisay inaan xamar ka xureyno Al-Shabaab", ayuu yiri Danjire Francisco Madeira.
"Waxaad soo celisay rajada dadka iyo in la helo dowladda wanaagsan". ayuu yiri.
"AMISOM dhinacaaga ayey taagan tahay wayna ku taageereysaa, madaxweyne", ayuu hadalkiisa ku soo qatimay, Danjire Francisco Madeira
Waxaa caleemo-saarka madaxweyne farmaajo ku sugan wakiillo ka kala socda 124 dal.
No comments:
Post a Comment