• Maxaaa Cusub Maanta

    Naga filo maalin weliba

    Wixii Cusub Kala Soco www.Degmooyinka.blogspot.com Waad ku Mahadsantahay In Aad Nasoo Booqato

    Mohamud Hussein

    DEGMOOYINKA

    Friday, February 3, 2017

    Dibadbax ballaaran oo lagu taageerayo go’aanki maxkamada ICJ oo lagu qabtay Muqdisho

    Dadweyne aad u farabadan ayaa saaka isugu soo baxay waddooyinka waaweeyn ee magaalada Muqdisho kuwaasoo taageerayay go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ee ku wajahnaa iney qaadeyso dacwadda ay Soomaaliya hor dhigtay ee ku saabsan sheegashada Kenya ee biyaha Soomaaliya.
    Dibadbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoranaayeen halkudhigyo muujinaya sida ay u taageersanyihiin go’aanka maxkamadda. iyagoo kor u taagayay calanka Soomaaliya.
    Banaanbaxa ayaa dadka ka qeybgaatay waxa ay ka kala yimaadeen degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir.
    Dibadbaxayaasha oo isugu soo uruuray taallada Daljirka Dahsoon ayaa qaadayay heeso wadani ah waxaana halkaasi lagu soo bandhigay suugaan aad qiiro badan

    No comments:

    Qurux

    ">

    Dabiici

    Safaro