Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee afarta sanno soo socota oo goor dhaw kabilaabatay Muqdisho ayaa waxa ay kaga duwantahay doorashadii hore ee Madaxweynaha dhowr arrimood.
Doorashada maanta ka dhaceyso Muqdisho ee in Xildhibaannada ay ku soo dooranayaan Madaxweynaha afarta sanno ee soo socoto hogaamin doono Soomaaliya ayaa waxa ay dhowr arrimood kaga duwantahay tii sanadkii 2012-ka ka dhacday Muqdisho.
1- Xildhibaannada Labada Aqal oo si wada jir ah uga qeyb galaya doorashada Madaxweynaha markii ugu horeysay, iyagoo kala ah Aqalka sare oo markii ugu horeysay la dhisay iyo golaha shacabka.2- Xildhibaananda oo gebi ahaanba laga reebay Teleefonada gacanta ah, si aysan u dhicin xulafeysi
3- Inay jiraan guddi anshaxa qaabilsan oo kormeer sameynaya, taasi oo lagu soo kordhiyay hanaanka doorashada.
4 Goobta doorashada oo ka duwan tii sanadkii hore oo lagu qabanayo taliska ciidanka cirka ee Afasiyoone iyo
5- Suxufiyiinta oo iyana laga reebay teleefonadooda gacanta oo markii hore si toos ah xarumahooda warbaanineed wararka kula xiriiri jiray.
No comments:
Post a Comment