• Maxaaa Cusub Maanta

    Naga filo maalin weliba

    Wixii Cusub Kala Soco www.Degmooyinka.blogspot.com Waad ku Mahadsantahay In Aad Nasoo Booqato

    Mohamud Hussein

    DEGMOOYINKA

    Wednesday, February 8, 2017

    Dabaal degyo lagu taageerayo Madaxweynaha cusub oo ka socda dalka

    Inta badan degmooyinka Gobolka Benaadir iyo qaar ka mid ah gobollada dalka ayaa waxaa laga maqlayay rasaas cirka loo ridayo oo loogu dabaal degayo Madaxweynaha cusub ee la doortay Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
    Rasaas culus oo dabaal deg ah ayaa ka socota magaalooyinka, dadweynaha ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalooyinka waa weyn ee dalka, iyagoo aad ugu faraxsan is bedelka dhanka hogaanka doorashada.
    Magaalooyinka Beledweyn, Jowhar, Garbahaarey, Kismaayo, Baydhabo, Gaalkacyo ayaa mar kaliya waxaa ka bilowday dabaal degyo waa weyn oo loogu dabaal degayo Guusha Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
    Tani ayaa ka turjumeysa inuu guuleystay rabitaankii shacabka Soomaaliyeed, oo u hamuun qabay inay arkaan isbedel.

    No comments:

    Qurux

    ">

    Dabiici

    Safaro