
Ilo laamaha caafimaadka ka tirsan oo ku sugan dekedda jabhaduhu maamulaan ee Hodeidah ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan haween iyo dhallaan,DAD
kale oo badan oo dhaawac ahna loo wareejiyay isbitaallada magaalada.

Ilaalada xeebaha ayaa saxafiyiinta u sheegay in qaxootigan oo wata warqado aqoonsi oo rasmi ah oo ay bixisay hay'adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ay u sii socdeen Suudaan marka ay weerartay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah.
Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa waxa ay muujinayaan maydad daadsan doonta dusheeda. Ku dhawaad 80 qof oo badbaaday ayaa waxa loo qaaday cisbitaalada sida ay sheegtay hay'adda caalamiga ah ee socdaalka ee IOM
Dekadda waxa gacanta ku haya fallaagada Xuutiyiinta, ee dagaalka labada sana socda kula jirta isbahaysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga.
Isbahaysiga ayaa gacanta ku hayo maamulka hawada dalka Yemen.
Wakaalada wararka ee Yemen ee Saba oo ay gacanta ku hayaaan fallaagada ayaa sheegtay in qaxootiga laga soo weeraray cirka, weerarkaa noocaasna ay geysan karaan isbahaysiga oo kali ah.
Sidoo kale mid ka mid ilaalada badda oo la yiraahdo Maxamed Alay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters waxa uu u sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca oo ay qoryo ku rakiban yihiin ay weerarka geysatay.
Balse sarkaal ka shaqeeya dekada ayaa wakaalada wararka ee AFPWAXA UU U
sheegay in doonida ay soo xiratay, dadkii dhintay iyo kuwii dhaawacmayna lagu garaacay hub fudud.

Isbahaysiga uu Sacuudiga hormuudka u yahay weli kama aysan hadlin dhacdadani.
Ilaa iyo hadda lama oga cidda weerarka gaysatay.
- Yemen: Duqeyn lagu dilay rayid
- UK oo kordhinaysa gargaarka ay siiso Yemen
- MSF: Cisbitaalkena ayaa Yemen lagu duqeeyay
No comments:
Post a Comment