• Maxaaa Cusub Maanta

    Naga filo maalin weliba

    Wixii Cusub Kala Soco www.Degmooyinka.blogspot.com Waad ku Mahadsantahay In Aad Nasoo Booqato

    Mohamud Hussein

    DEGMOOYINKA

    Tuesday, March 7, 2017

    Antonio Guterres Iyo Madaxweyne Faarmaajo oo Si Qoto Dheer ugu Hadlay abaaraha Baahsan ee soomaaliya

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey Antonio Guterres ayaa booqday magaalada Baydhabo, wuxuuna halkaas kula kulmay masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed.
    Gobolka Baay wuxuu ka mid yahay meelaha ugu daran ee abaarta ay saameysay. Xanuunno uu shuban biyood ka mid yahay ayaa halkaasi ka dillaacay.
    Wuxuu Antonio Guterres sheegay in loo baahan yahay in sidegdeg ah loogu gurmado
    dadka ay abaarta saameysay si looga hortago macaluul.
    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey ayaa intuu Muqdisho ku sugnaa la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
    Waxaa la sheegay inay ka wada hadleen xaaladda abaarta Soomaaliya ka taagan iyo sidii wax looga qaban lahaa.
    Ilo ku dhow labada dhinac ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen in ahmiyadda koobaad la siiyo wax ka qabadka abaaraha iyo gurmadka loo fidinayo dadka tabaaleysa.
    Xog hayaha guud ee Qaramada Midoobeey Antonio Guterres ayaa Soomaaliya ku tagay safar aan horey loo shaacin oo lagu tilmaamay mid degdeg ah oo wax looga qabanayo abaaraha.
    Booqashada oo hal maalin ah wuxuu diiradda ku saaridoonaa inuu caalamka u soo jeediyo sidii loogu gurman lahaa malaayiin qof oo qarka u saaran inay macaluul ku dhufato oo ku nool Soomaaliya.
    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray inuu gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

    No comments:

    Qurux

    ">

    Dabiici

    Safaro