• Maxaaa Cusub Maanta

    Naga filo maalin weliba

    Wixii Cusub Kala Soco www.Degmooyinka.blogspot.com Waad ku Mahadsantahay In Aad Nasoo Booqato

    Mohamud Hussein

    DEGMOOYINKA

    Saturday, April 1, 2017

    Wasiirka cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo xilka la wareegay

    Wasiirka cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ayaa maanta xilka Wasaaradda si rasmi ah ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi Mudane Maxamed Cumar Caymooy, iyadoo munaasabadda xil wareejinta uu ka qeyb galay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo mas’uuliyiin kale.
    Wasiirkii hore Kuluumeysiga iyo Khayraadka Badda Maxamed Cumar Caymooy ayaa tilmaamay in waxyaabo badan ay u qabsoomeen mudadii uu xilka hayay, waxaana uu ka codsaday shaqaalaha Wasaaradda inay la shaqeeyaan Wasiirka cusub.
    Wasiirka cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay in  ay sii wadi doonan waxii u qabsoomay Wasaaradda isla markaana dadaal uu ku baxin doono sidii dhallinyarada Somaaliyeed shaqo abuur  loogu sameyn lahaa.
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuled ayaa ku amaanay mas’uulayiintii hore ee Wasaaradda waxyaabaha u qabsoomay, waxaana uu kula dar daarmay  inay sii labo jibaaraan howlaha horyaalla.

    No comments:

    Qurux

    ">

    Dabiici

    Safaro