• Maxaaa Cusub Maanta

    Naga filo maalin weliba

    Wixii Cusub Kala Soco www.Degmooyinka.blogspot.com Waad ku Mahadsantahay In Aad Nasoo Booqato

    Mohamud Hussein

    DEGMOOYINKA

    Friday, January 20, 2017

    Barcelona Oo Warbixin Caafimaad Ka Soo Saartay Xaalada Dhaawicii Kabtankeeda Andres Iniesta Ku Soo Gaadhay Kulankii Real Sociedad

    Kabtanka kooxda Barcelona ee Andres Iniesta ayuu dhaawac ku soo gaadhay kulankii lugta kowaad ee Copa Del Rey wareegiisa sideed dhamaadka ee ay Barcelona guusha kaga soo gaadhay Real Sociedad. Iniesta ayaa la badalay waqtigii nasashada ee kulankii Real Sociedad kadib markii uu xanuun ka dareemay lugtiisa bidix, waxayna Barcelona shaacisay natiijada baadhitaankii lagu sameeyay Iniesta.


    Barcelona ayaa xaqiijisay in xaalada Andres Ineista ay ku xidhnaan doonto qaabka uu uga horumar uga sameeyo dhaawaca soo gaadhay wuxuuna seegayaa kulanka ay Barcelona la ciyaari doonto kooxda Eibar ee horayaalka la Ligaha. Waa dhaawicii saddexaad ee xili ciyaareedkan soo gaadhay Ineista inkasta oo dhaawicii ku soo gaadhay kulankii Valencia ee bishii October uu lix todobaad la maqnaa.
    Qoraalka Barcelona ka soo baxay ayaa lagu yidhi: “Baadhitaankii ay kooxda kubbada cagta Barcelona saaka oo jimce ah ku samaysay Andres Iniesta ayaa xaqiijiyay dhaaawac fudud oo muruga kubka bidix ah. Kadib markii uu ka cawday in lugtu ay xanuunayso intii lagu jiray qaybtii h--e ee kulankii lugta kowaad ee sideed dhamaadka Copa Del Rey ee Rela Sociedad, xidiga khadka dhexe waxaa lagu badalay Andres Gomes ee 45 kii daqiiqo ee danbe”.
    Barcelona oo warbixinteeda kaga hadashay muddada la filayo in Iniesta uu soo laabto ayaa qoraalka lagu yidhi:“Diyaar ahaansha ciyaartoygu  ee tababaraha iyo kulamada soo socdaa waxa uu ku xidhan yahay , sida uu dhaawucu horumar u sameeyo, waxaa hadda la xaqiijiyay in aanu kooxda axada ula safri doonin kulanka Eibar”.


    No comments:

    Qurux

    ">

    Dabiici

    Safaro