• Maxaaa Cusub Maanta

    Naga filo maalin weliba

    Wixii Cusub Kala Soco www.Degmooyinka.blogspot.com Waad ku Mahadsantahay In Aad Nasoo Booqato

    Mohamud Hussein

    DEGMOOYINKA

    Saturday, January 21, 2017

    Muxuu Ku Jawaabay Gerard Pique Markii Markale Wax Lag Weydiyay Garsoorka Spain?

    Gerard Pique ayaa markale soo fariistay baraha bulshada, daafaca muranka badna dhaliya ee ree Spain aya ka hadlay waxyaabo badan, laakin sida caadiga ah dadka kula saaxiibka ah baraha bulshada waa dad dhib badan waxayna weydiiyeen markale aragtidiisa ku aadan garsoorka Spain ee uu dhawaan eedeynta u soo jeediyay.Pique ayaase markaan isticmaalay caqli wuxuuna si maskaxeysan uga hadlay arinkaan wuxuna yiri “Waxaa la gaaray waqtigii aan afka ka qabsan laheyn sheekada garsooreyaasha, muran badan ayaa ka dhashay, aniga ma jecli inaan muran dhaliyo, waana aaminsanahay garsooreyaasha waxayna hayaan shaqo fiican”.
    “Waxaan ahay qof jecel kubada cagta waana rajeynayaa in kubada ay marwaliba ahaado mid casireyeeysan, waxaan rajeynayaa in mardhaw kubada cagto lagu soo kordhiyo qalabka casirga ah ee caawiya garsooreyaasha si ay u yaraadaan is qabqabsiyada”.
    Dhanka kale Pique ayaa la weydiyay waxa ay la macno tahay inuu ka garab ciyaari Lionel Messi wuxuuna yiri “Marnaba caadi ma ahan, waa laacib aan inaba caadi aheyn wuxuuna muhiim u yahay kooxda sida ay dhamaan ciyaartooyda halkaan joogaa u yihiin kuwa heer caalami ah muhiimna ugu yihiin kooxdaan”.
    Markii la weydiyay Messi iyo Cristiano, xidigaan yiri “Markasta ayaa la i weydiyaa su’aashaas, jawaabtana waad ogtihiin”.

    No comments:

    Qurux

    ">

    Dabiici

    Safaro