Naadiga Liverpool ayaa diyaarad khaas ah u diraysa weeraryahankeeda Sadio Mane, si ay uga soo qaado dalka Gabon, halkaasi oo uu xulkiisa Senegal uga qeyb galayay koobka Qaramada Afrika.
Liverpool ayaa dooneysa in Mane uu fursad u helo ciyaarta ay Talaadada la leedahay kooxda hogaanka u haysta horyaalka Ingiriiska, Chelsea.
Senegal ayaa Sabtidiii ka hartay koobka Qaramada Afrika, ka dib markii ay Cameroon uga badisay 5-4 rigoorayaal ah.
Tan iyo markii uu Mane ka tegay Liverpool 2-dii bishan January, ayaa waxa ay kooxdaasi badisay hal kulan oo keliya.
Saddex maalmood gudahoodna waxaaba Liverpool laga reebay labada koob ee kala ah EFL iyo FA-ga.
Kooxdan uu layliyo macallin Jürgen Klopp ayaa sheegtay in ay marka hore hubin doonto caafimaad qabka Mane, ka hor kulanka Chelsea.
No comments:
Post a Comment