• Maxaaa Cusub Maanta

    Naga filo maalin weliba

    Wixii Cusub Kala Soco www.Degmooyinka.blogspot.com Waad ku Mahadsantahay In Aad Nasoo Booqato

    Mohamud Hussein

    DEGMOOYINKA

    Saturday, January 21, 2017

    Marca: Chelsea Oo Ganaax Garka U Galisay Weeraryahanka Gadoodka Ah Ee Diego Costa

    Lacaga waalida ah ee ka imaanaya horyaalka Chinese ayaa soo jiitay qaar kamid ah xidigaha waa weyn ee qaarada yurub waxaana kamid ahaa laacibka kooxda Chelsea ee Diego Costa laakin xidigaan ayaa qasaaro kala kulmay.
    Kooxda uu maamulo macalin Antonio Conte ee Chelseanayaa ganaax lacageed garka u galisay weeraryahankooda ree ee heerka caalami, waxayna jariirada Marca ee kasoo baxda magaalada Madrid ay sheegeysaa in Costa lagu ganaaxay lacag dhan 100,000 oo euros kadib dhaqankiisii xumaa ee uu isugu dayay inuu qasab ugu biiro horyaalka China.

    Khamiistii ayuu macalinka Antonio Conte ayaa isugu yeeray ciyaartooyda kooxda Chelsea oo dhan waxa uu ugu magac daray “Qado nabadeed” waxayna ciyaartooyda Blues marqaati ka ahaayeen heshiiska Diego Costa iyo Antonio Conte waaana arinka lagu dhameeyay si nabad ah.
    Marca ayaa sheegeysa inuu COsta sii joogi doono kooxda daafacaneysa horyaalka Premier League ilaa dhamaadka xili ciyaareedkaan isagoo kasii qeyb qaadan duulaanka Chelsea ee hanashada horyaalka ingiriiska

    No comments:

    Qurux

    ">

    Dabiici

    Safaro