Booliiska dalka Kanada ayaa dacwad ku soogay arday asalkiisu Faransiis yahay oo dhalashada Kanada haysta kaas oo loo haysto lixdii ruux ee muslimiinta ahaa ee lagu dilay iyaga oo ku cibaadaysanaya masaajidka Quebec.
Alexand
re Bissonnette ayaa wajahaya lix dacwadood oo dil ah iyo shan dacwadood oo isku day dil ah.
Wiilkan 27 jirka ah ayaa si kooban uga soo muuqday maxkamadda Quebec Axaddii isaga oo loo haysto weerarkii Axaddii dhacay Xarunta Islaamka ee Quebec.
Kanada oo dhan ayaa looga baroor diiqay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkaas iyadoo shamacyo loo shiday.
In kabadan konton ruux ayaa jameecaadka cishaha ka qaybqaadanayay marka uu weerarku dhacay.
Sagaal iyo toban ruux ayaa ku dhaawacantay weerarkaas, dhamaantoodna rag ayay ahaayeen, shan ka mid ah ayaana wali isbitaalka ku jira oo dawayn u socotaa.
Mohamed Khadir oo reer Marooko ah oo weerarka loo qabtay ayaa hadda loola dhaqmayaa sidii goobjooge.
Ra'iisal wadaaraha Kanada Justin Trudeau ayaa fal argagixiso ku tilmaamay weerarka Quebec.
Ra'iisal wasaaraha oo khudbad u jeediyay in kabadan hal milyan oo Muslimiin ah oo Kanada ku nool ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin.
Canadian Prime Minister Justin Trudeau and Quebec Premier Philippe Couillard both described the shooting as a terrorist attack.
"Soddon iyo lix milyan ayaa la dhaawacan quluubtiina. Ogaada qiimo ayaad agtanada ka leedihiin ee"
No comments:
Post a Comment