• Maxaaa Cusub Maanta

    Naga filo maalin weliba

    Wixii Cusub Kala Soco www.Degmooyinka.blogspot.com Waad ku Mahadsantahay In Aad Nasoo Booqato

    Mohamud Hussein

    DEGMOOYINKA

    Sunday, January 22, 2017

    Madaxweynihii Gambia Yaxya Jammeh oo si nabadgelyo ah uga baxay dalkiisa

    Madaxweynihii hore ee dalka Gambia Yaxya Jammeh oo dhawaan doorasho ka dhacday dalkasi looga adkaaday iyadoo Madaxweynaha cusub ee Gambiyana uu ku soo baxay Adama Barrow ayaa ogolaaday waan waan nabadeed oo aheyd inuu si nabadgelyo ah isaga baxo.
    Madaxweyne Yaxya Jammeh ayaa waxa u dalka Gambia xukumayay muddo 22 Sano ah isagoo xukunka ku qabsaday Inqilaab mileteri ah, iyadoo dhanka kale Madaxweynaha cusub ee dalkaasina Adama Barrow uu sheegay inuu si deg deg ah u imaan doono dalkiisa Gambia, isla markaana uu fariisan doono Xarunta Madaxtooyada dalkaasi.
    Wuxuuna isagoo la hadlayay Warbaahinta uu sheegay in marka u fariisto Qasriga Madaxtooyada Gambia uu si dhaqsi ah u magicaabi doono guddi baara arrimaha xuquul insaanka oo la xiriira xadgudbydii ka dhacay dalkaasi mudadii 22-ka sano aheyd ee Madaxweynihii hore Yaxya Jammeh uu xukunka dalkaasi hayay
    Mas’uuliyiin katirsan Ururka ECOWAS oo dhexdhexadin ka waday muranka u dhaxeeyay Madaxwynaha la doortay ee Gambiya iyo Madaxweynihii hore ee Doorashada madaxtinimada dalkaasi dhawaan looga adkaaday ayaa sheegay in Madaxweyne Yaxye Jammeh uu isaga baxay dalka Gambia isagoo ka talinayay mudo 22 sano ah , unna kicitimay dalka Equatorial Guinea.

    Madaxweynihii Gambia Yaxya Jammeh ayaa noqonayaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Gambia oo si nabadgelyo ah xukunka u wareejiya tan iyo sanadkii 1965 oo ku begneyd markii Gambiya ay ka xuroowday Ingiriiska.

    No comments:

    Qurux

    ">

    Dabiici

    Safaro