• Maxaaa Cusub Maanta

    Naga filo maalin weliba

    Wixii Cusub Kala Soco www.Degmooyinka.blogspot.com Waad ku Mahadsantahay In Aad Nasoo Booqato

    Mohamud Hussein

    DEGMOOYINKA

    Tuesday, January 31, 2017

    Dood dhexmari lahayd musharrixiinta Soomaaliya oo lagu kala tagay

    Guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha ayaa sheegay in la joojiyay doodii loo qaban lahaa murashaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.
    Gudoomiyaha gudigaasi Xildhibaan Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa ku sababeeyay sababta doodaas loo joojiyay inay ahayd iyadoo internet ka uu ka maqnaa magaalada Muqdisho oo dhan taasina ay saamixi weysay in toos talafishanka looga daawado.
    Gudoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in haddii waqti kale loo qaban lahaa doodaasi ay saamayn ku keenayso jadwalkii doorashada ee ey horey u sameeyeen sidaa daraadeedna ay halkaas uga hareen.
    Haddaba arintaasi waxa ku gacanseyray inta badan murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha oo galabta shir ku qabtay magaalada Muqdisho.
    Doorashada madaxtinnimada oo dhowr jeer dib loo dhigay ayaa lagu wadaa inay dhacdo 8-bsiha February ee sanadkan.

    No comments:

    Qurux

    ">

    Dabiici

    Safaro