Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga qeyb geli doono shir madaxeedka Midowga Afrika.
Shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka furmaya Addis Ababa ayaa waxaa looga hadlayaa ajandayaal dhowr ah, iyadoo lagu dooran doono Guddoomiyaha Midowga Afrika.
Xasan Sheekh oo ah Musharax mar kale u taagan xilka Madaxweynaha, ayaa rajo ka qaba in dib loo doorto, waxaana lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo Kulan madaxeedka Midowga Afrika.
Kulan madaxeedkii Midowga Afrika ee sanadkii 2009-kii ayaa la xusuustaa inuu ka qeyb galay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, maalin kaddib markii lagu doortay Jabuuti 29-kii bishii January 2009.
Hase ahaatee xilligan oo aan Madaxweyne la dooran, doorashadana dib u dhacyo badan ku timid, isla markaana la qorsheeyay inay dhacdo 8 February, waxaa ka qeyb galaya Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama uu wali yahay Madaxweynaha, isla markaana Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo noqon lahaa Ku simaha Madaxweynaha aan wali la dhaarin.
Si kastaba ha ahaatee doorashada Madaxweynaha oo ay ku tartamayaan 24 Musharax ayaa waxaa la sugayaa Musharaxii ay ka dhex doortaan Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka, kuwaasoo tiradoodu tahay 329
No comments:
Post a Comment