• Maxaaa Cusub Maanta

    Naga filo maalin weliba

    Wixii Cusub Kala Soco www.Degmooyinka.blogspot.com Waad ku Mahadsantahay In Aad Nasoo Booqato

    Mohamud Hussein

    DEGMOOYINKA

    Friday, January 20, 2017

    RASMI: Kooxda Olympique Lyonnais Oo Saxaafada U Soo Bandhigtay Heshiiska Ay Memphis Depay Kagala Soo Wareegtay Man United

    Kooxda horyaalka France ee Olympique Lyonnais ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystiray saxiixa xidigii Manchester United ku fashilmay ee Memphis Depay, waxayna saxiixa xidigan u soo bandhigtay saxaafada kadb markii uu qalinka ku duugayheshiis waqti dheer ah. Depay oo shalayba soo gaadhay kooxda Lyon ayaa jamaahiirta Man United uga mahad celiyay taageeradii ay soo siiyeen waqtigii uu Old Trafford ku soo qaatay.

    Kadib markii uu  Memphis Depay ogolaaday qodobada heshiiskiisa shaqsiga ah isla markaana uu ka gudbay tijaabada caafimaadka ayuu Depay saxiixay heshiiska uu ugu biiray kooxda Olympique Lyonnais.
    Depay oo u mahad celinaya jamaahiirta Man United ayaa yidhi: ” Waad ku mahadsan tihiin dhamaan xusuusta waqtigaygii Red Devils. Waligay ma ilaawi doono dhamaan taageeradiinii aad igu siiseen Manchester United”. Depay ayaa sidoo kale Wayne Rooney uga mahad celiyay in uu caawiyay waqtigii uu Old Traffrod joogay halka Paul Pogba kula kaftay sugo inta ay markale garoonka ku dagaalami doonaan.
    Depay oo u mahad celinaya Rooney ayaa yidhi: “Halyay waad ku mahadsan tahay wax kasta oo aad aniga iga dhigay in aan dareemo sidii gurigayga. Wayne Rooney waad mahadsan tahay”.
    Kooxda  Olympique Lyonnais oo markii h--e ay Man United laba dalab ka diiday ayaa ugu danbayn ku guulaysatay saxiixa Depay oo kooxdeeda ugu biiray 15 milyan oo gini iyada oo lacagtani gaadhi doonto  21.7 milyan gini waxayna ku xidhan tahay qaab ciyaareedka uu 22 jirkani kala soo muuqdo kooxda  Olympique Lyonnais.

    No comments:

    Qurux

    ">

    Dabiici

    Safaro