• Maxaaa Cusub Maanta

    Naga filo maalin weliba

    Wixii Cusub Kala Soco www.Degmooyinka.blogspot.com Waad ku Mahadsantahay In Aad Nasoo Booqato

    Mohamud Hussein

    DEGMOOYINKA

    Friday, January 20, 2017

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ballan qaaday gargaar caafimaad gabadhii lagu dhibaateeyey Galdogob.

     Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay falkii kufsiga iyo jirdilka isku jiray ee Galdogob loogu geeystay gabdho Soomaaliyeed.
    “Aad iyo aad ayey ii xanuun jisay falkii kufsiga iyo jirdilka ahaa ee ka dhacay Goldogob. Waxaan ku dhiirra-gelinayaa Dowlad Gobolleedka Puntland in sharciga la marsiiyo kuwii ka dambeeyey kufsiga gabadhaas.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
    Madaxweynaha ayaa la hadlay culumaa’udiinka iyo Isimada Puntland ee uu la wadaagay mowqifka Dowladda Federaalka ee falkaasi xanuunka badan. Dowladda Federaalka Soomaaliya dulqaad uma laha kufsiga iyo cabsi gelinta dumarka oo ah sharafta ummadda Soomaaliyeed.
    .Ugu dambenytii , Madaxweynaha ayaa gabadha la xanuunsan kufsiga iyo Jirdilka loogu geeystay Galdogob si gaar ah ugu ballan qaaday gargaar caafimaad gudaha iyo dibadaba halkii lagu daweeyn karo.

    No comments:

    Qurux

    ">

    Dabiici

    Safaro