• Maxaaa Cusub Maanta

    Naga filo maalin weliba

    Wixii Cusub Kala Soco www.Degmooyinka.blogspot.com Waad ku Mahadsantahay In Aad Nasoo Booqato

    Mohamud Hussein

    DEGMOOYINKA

    Sunday, January 29, 2017

    Maxkamad ku taala Mareykanka oo joojisay musaafurinta dadka ku xanniban garoommada

    Maxkamadda magaalada New York ayaa taageertay dood sharciyadeed  ay gudbiyeen dadka ka soo horjeeda xannibaadda sida ku meelgaar ka ah uu Trump u saaray dadka ka safraya todobo dal oo Muslimiin u badan.
    Xeer ilaaliyayaha maxkamadda ayaa amray in dadka lagu xirxiray garoomada dayuuradaha inaan la musaafurin karin. Dadkaas ayaa la qabtay kaddib markuu dhaqan galay dikreetadii uu Trump 
    Madaxweyne Trump ayaa difaacay go’aankiisa uu sida ku meelgaarka ah Mareykanka uga mamnuucay dadka ka safraya todobo dal oo Soomaaliya ay ku jirto.
    Donald Trump wuxuu Suxufiyiinta u sheegay in shuruucda cusub si wanaagsan looga shaqeeyay. Wuxuu diiday inuu Muslimiinta xayiraadan uu saaray.
    Dadka diiddan ayaa sharciga la tiigsaday si looga noqdo go’aanka, Garoonka diyaaradaha ee John F Kennedy ee New York,  oo lagu xiray dad masaafuriin ah, ayaa dibad baxayaal ay tageereen.
    Waxay ku dhawaaqayeen “U ogolow inay soo galaan.” Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa u diiday rakaabka qaar inay ka qaadaan garoomada caalamka kale.
    Dadka xayiraadda la saaray waxaa ka mid ah kuwa haysta kararka loo yaqaano – Green Card – ee la siiyay deganaanshaha joogtada ah ee Mareykanka.

    No comments:

    Qurux

    ">

    Dabiici

    Safaro